Barnaamijka Abaalmarinta Caddaalaadda ayaa bixinaysa abaalmarin gaaraysa illaa $10 milyan qofkii keena xog u horseedaysa in carqaladeyn lagu sameeyo qaabka dhaqaale ee ururka Xizbullah. Maxamad Ibrahim Baassi, oo ka shaqeeya ama ka ganacsada ganacsi gudaha Belgium, Lubnaan, Ciraaq, iyo wadamo badan oo ku yaala Galbeedka Afrika, waa maalgeliyaha muhiimka ah ee Xizbullah. Bazzi waxa uu Xizbullah u soo xareeyay malaayiin doolar taas oo uga timid hawlihiisa ganacsi.
Baassi waxa uu leeyahay ama maamulaa Global Trading Group NV, Euro African Group LTD, Africa Middle East Investment Holding SAL, Kooxda Maalgashiga Premier ee SAL Offshore, iyo Adeegyada Gawaarida ee Car Escort Services SAL Off Shore, kuwaas oo dhammaan ah shirkadda cunna qabatay uu Maraykanka ku sameeyay kaas oo Bazzi uu malaayiin doolar uu Xizbullah loo mariyay.
Taariikhdu markay ahayad 17ka bisha Maajo, 2018, Waaxda Hanti-dhowrka Mareynaka ayaa Mohammad Ibrahim Baassi waxay u magawday inay yihiin Argaggixiso Caalami oo Gaar ah markii loo hiigsaday Amarrada Dowliga ee 13224, sida la baddalay. U aqoonsigan, iyo cawaaqibyada kale darteed, dhammaan hantida, iyo danaha hanti, ee Baassi hoos timaadaa xukunka Mareykanka waa la xannibay, guud ahaan shaqsiyaadka Mareykankana waxaa laga mamnuucay inay wax fulin heshiis-ganacsi ah ay Baassi la sameeyaan. Taa waxaa raacsan, waa dembi in si oggaal ah loo bixiyo, ama la isku dayo ama la maleego in la bixiyo, ilo ama taageero maaddi ah loo gudbiyo Xizbullah, ayaa Mareynka u magawday inay tahay Urur Argaggixiso Shisheeye.