Barnaamijka Abaalmarinta Caddaalaadda ayaa bixinaysa abaalmarin gaaraysa illaa $3 milyan oo doollarka Maraykanka ah ciddii keenta xog ku saabsan Macalim Salman aasaasaha iyo hoggaamiyaha kooxda al-Shabaab, oo ah Urur Argaggixiso Shisheeye ee uu Maraykanku u aqoonsaday (FTO). Hogaamiyihii geeriyooday ee al-Shabaab Axmed Cabdi Godane ayaa Salmaan u doortay inuu hogaamiyo dagaalyahanada Ajaanibta ah ee al-Shabaab u qaabilsan argaggixisonimada. Oo sidoo kale loo yaqaan Macallin Salmaan Cali iyo Ameer Salmaan, Salman waxa uu ku lug lahaa hawlgallada Afrika ku salaysan ee lagu beegsanayo dalxiisayaasha, xarumaha madadaalada, iyo kaniisadaha. Inkasta oo uu Salman inta badan diiradda sii saarayo hawlgallada ka baxsan Soomaaliya, haddana waxaa la og yahay in Salmaan uu deggan yahay dalka Soomaaliya, halkaas oo uu ku tababaro dagaalyahannada ajnabiga ah ee loo diro meelo kale. Taariikhdu markay ahayad 24ka bisha Seteember, 2014, Waaxda Arrimaha Dibadda ee Maraykanka ayaa Salman waxay u magawday inuu yahay Argaggixiso Caalami oo Gaar ah markii loo hiigsaday Amarrada Dowliga ee 13224, sida la baddalay. U aqoonsigan, iyo cawaaqibyada kale darteed, dhammaan hantida, iyo danaha hanti, ee Salman hoos timaadaa xukunka Mareykanka waa la xannibay, guud ahaan shaqsiyaadka Mareykankana waxaa laga mamnuucay inay wax fulin heshiis-ganacsi ah ay Salman la sameeyaan. Taa waxaa raacsan, waa dembi in si oggaal ah loo bixiyo, ama la isku dayo ama la maleego in la bixiyo, ilo ama taageero maaddi ah loo gudbiyo FTO al-Shabaab.
Macalim Salman
Afrika – Saxaraha ka Hooseeya