Lashkar-e Tayyiba (LeT), oo sidoo kale loo yaqaan Ciidanka Xaqqa ah, waa koox argaggixiso ah oo fadhigeedu yahay dalka Pakistan oo la aassaasay 1980-meeyadii. LeT waxay fulisay hawlgallo, oo ay ku jiraan dhawr weerar oo caan ah, oo ka dhan ah ciidamada Hindiya iyo bartilmaameedyo rayidka ah tan iyo 1993-kii. Kooxda ayaa sidoo kale weerar ku qaaday ciidamada Isbaheysiga ee ku sugan dalka Afgaanistaan. LeT waxay mas’uul ka ahayd weerarradii argagixisanimo ee November 2008 ka dhacay Mumbai, India oo ay ku dhinteen 166 qof –oo ay ku jiraan lix muwaadiniin Mareykan ah –ayna ku dhaawacmeen in ka badan 300.
Taariikdu markay ahayd 26ka bisha Diseembar, 2001, Wasaarada Arimaha Dibadda ee Mareykanka ayaa LeT u magacaabay inay yihiin Urur Argaggixiso Shisheeye sida ku xusan qodobka 219 ee Xeerka Laanta Socdaalka iyo Jinsiyadda, sida wax laga beddelay. Markeedii hore, taariikhdu markay ahayd 20ka bisha Diseembar, 2001, Waaxda Arrimaha Dibadda ee Maraykanka ayaa LeT waxay u magawday inay yihiin Argaggixiso Caalami oo Gaar ah markii loo hiigsaday Amarrada Dowliga ee 13224, sida la baddalay. Tan awgeed, dhammaan hantida, iyo danaha hanti, ee LeT, hoos timaadaa xukunka Mareykanka waa la xannibay, guud ahaan shaqsiyaadka Mareykankana waxaa laga mamnuucay inay wax fulin heshiis-ganacsi ah ay LeT la sameeyaan. Waa dembi in si oggaal ah loo bixiyo, ama la isku dayo ama la maleego in la bixiyo, ilo ama taageero maaddi ah loo gudbiyo LeT.