Barnaamijka Abaalmarinta Caddaalaadda ayaa bixinaysa abaalmarin gaaraysa illaa $5 milyan oo ay siinayo ciddii keenta xog ku saabsan Khalil al-Raxmaan Xaqqani oo sidoo kale loo yaqaano Khalil Xaqqani ama Khalil Ahmad Xaqqani. Khaliil waxa uu u adeegaa sidii hogaamiyaha muhiimka ah ee Shabakada Xaqqani Network (HQN), oo ah Ururka Argaggixisada Shisheeye ee uu Maraykanku u aqoonsaday (FTO).
Khalil wuxuu gacan ka geystaa howlaha dhaqaale ururinta isagoo matalaya kooxda Taliban oo wuxuu taageero u fidiyaa howlaha Taliban ay ka wada Afghanistan dhexdeeda. Bilowga 2010, wuxuu lacag u fidiyay Taliban ka joogay Gobolka Logar, Afghanistan. Sannadkii 2009, Khalil wuxuu ka mid dhowr qof oo mas’uul ka ahaa hayntii shaqsiyaadka ay qabteen kooxda Taliban iyo HQN. Khaliil waxa uu hawlgalo u qabtay Talibanka amar ka soo baxay wiil uu adeer u yahay oo lagu magacaabo Sirajuddin Xaqqani oo ah hogaamiyaha guud ee HQN iyo ku xigeenka hogaamiyaha Taliban. Sidoo kale Khalil wuxuu matalaayay magaca al-Qaida (AQ) oo wuxuu gacan ka gaystay howlaha militeriga ee AQ. Sannadkii 2002, wuxuu dirayay dagaalyanno xoojinaya wixii ka haray AQ ee ku sugnaa Gobolka Paktia, ee Afghanistan.
Taariikhdu markay ahayad 9ka bisha Fibraayo, 2011, Waaxda Hanti-dhowrka Mareynaka ayaa Khalil Xaqqani waxay u magawday inay yihiin Argaggixiso Caalami oo si Gaar ah u Magacaaban markii loo hiigsaday Amarrada Dowliga ee 13224, sida la baddalay. U aqoonsigan, iyo cawaaqibyada kale darteed, dhammaan hantida, iyo danaha hanti, ee Khalil Xaqqani hoos timaadaa xukunka Mareykanka waa la xannibay, guud ahaan shaqsiyaadka Mareykankana waxaa laga mamnuucay inay wax fulin heshiis-ganacsi ah ay Khalil Xaqqani la sameeyaan. Taa waxaa raacsan, waa dembi in si oggaal ah loo bixiyo, ama la isku dayo ama la maleego in la bixiyo, ilo ama taageero maaddi ah loo gudbiyo FTO ga HQN.