Barnaamijka Abaalmarinta Caddaalaadda ayaa bixinaysa abaalmarin gaaraysa illaa $10 milyan oo dollar ku bixinaysa ciddii keenta xog ku saabsan Jehad Serwan Mostafa, oo sidoo kale loo yaqaan Axmed Gurey, Anwar al-Amriki, iyo Emir Anwa. Mostafa waxa uu haystaa dhalashada Mareykanka, horeyna wuxuu degenaa gobolka California, waxa uu xilal hoggaamineed ka soo qabtay ururka al-Shabaab oo uu Maraykanku u aqoonsan yahay Urur Argaggixiso Shisheeye. Waxaa la rumeysan yahay in uu yahay muwaadinka ugu darajada sarreeya Mareykanka ee dibadda kula dagaallamaya urur argaggixiso.
Mostafa wuxuu ku noolaa oo ka qalin jabiyay kulliyad ku taal San Diego, California, ka hor inta uusan u wareegin dalka Soomaaliya sannadkii 2005. Waxaa la rumeysan yahay inuu ka qeyb qaatay weeraro ka dhan ah ciidamada Itoobiya ka hor inta uusan ku biirin al-Shabaab qiyaastii sannadka markuu ahaa 2008dii. Inta uu la jiro al-Shabaab, Mostafa waxa uu ka soo shaqeeyay shaqooyin badan oo xasaasi ah, oo ay ka mid yihiin in uu tababare ciidan ka soo noqday xerooyinka tababarada ee kooxda, isagoo hoggaaminayay dagaalyahanno ajaanib ah, oo ka howlgala garabka warbaahineed ee kooxda, isagoo noqday dhex dhexaad u dhexeeya al-Shabaab iyo ururrada kale ee argaggixisada, iyo taasoo horseed u ah in kooxda ay u adeegsato qaraxyada argaggixisanimo. Mostafa ayaa la rumeysan yahay inuu sii wadi doono doorka muhiimka ah ee qorsheynta howlgallada ka dhanka ah dowladda Soomaaliya iyo ciidamada Midowga Afrika ee taageerada caalamiga ah ka helaya Soomaaliya iyo Bariga Afrika. Taas darteed, Mostafa wuxuu sii wadaa inuu khatar toos ah ku hayo ciidamada Mareykanka, dadka rayidka iyo danaha.
Taariikhdu karay kahayd 9ka bisha Oktoobar, 2009, Mostafa waxaa lagu soo oogay maxkamad ku taal Koonfurta Degmada California, iyadoo lagu eedeeyay inuu maleegayay oo uu taageero maaddi ah u gudbiyo argaggixisada, inuu maleegayay oo uu taageero maaddi ah u gudbiyo kooxda al-Shabaab iyo inuu taageero maaddi ah siiyo kooxda al-Shabaab. Taariikhdu markay ahayd 2da bisha Diseembar, 2019, eedeymo kale oo aan la shaacin oo laga furay maxkamad federaal ah ee Mareykanka Mostafa ku eedeysay dambiyo la xiriira argaggixisanimo. Mostafa wuxuu ku jiraa Liiska Argaggixisada ee loogu Doonista Badan yahay ee FBI-da.