Jamaat-ul-Ahrar (JuA) waa koox mintidiin ah oo xiriir la leh Urur Argaggixiso Ajaanibka ah ee uu Maraykanku u aqoonsaday Tehrik-e Taliban Pakistan (TTP). Waxaa aassaasay hoggaamiyihii hore ee TTP Cabdulwali bishii Agoosto 2014, JuA waxay Pakistan ka fulisay weeraro badan oo lala beegsaday dad rayid ah, diimaha laga tirada badan yahay, shaqaalaha militariga, iyo sharci fulinta. Bishii Agoosto 2015, JuA waxay sheegatay mas’uuliyadda weerar ismiidaamin ah oo ka dhacay Punjab, Pakistan oo lagu dilay wasiirkii arrimaha gudaha Punjab Shuja Khanzada iyo 18 ka mid ah taageerayaashiisa. JuA waxay mas’uul ka ahayd dilka laba shaqaale oo Pakistani ah oo ka tirsanaa Qunsuliyadda Mareykanka ee Peshawar horaantii bishii Maarso 2016. Dabayaaqadii bishii Maarso 2016, JuA waxay fulisay weerarka ismiidaaminta ahaa ee ka dhacay beerta madadaalada ee Gulshan-e-Iqbal ee Lahore, Pakistan, halkaas oo ay ku dhinteen in ka badan 70 qof—ku dhawaad kala bar ay ahaayeen haween iyo carruur—oo ayna ku dhaawaceen boqolaal kale.
Taariikhdu markay ahayad 3da bisha Agoosto, 2016, Waaxda Arrimaha Dibadda ee Maraykanka ayaa JuA waxay u magawday inay yihiin Argaggixiso Caalami oo Gaar ah markii loo hiigsaday Amarrada Dowliga ee 13224, sida la baddalay. Tan awgeed, dhammaan hantida, iyo danaha hanti, ee JuA, hoos timaadaa xukunka Mareykanka waa la xannibay, guud ahaan shaqsiyaadka Mareykankana waxaa laga mamnuucay inay wax fulin heshiis-ganacsi ah ay HAD la sameeyaan.