Websaytka rasmiga ah ee dawladda Mareykanka

Jabhadda Al-Nusrah (ANF)

Adiga kaalintaada ka qaado.

Jabhadda Al-Nusrah (ANF) ayaa la aasaasay dabayaaqadii sannadkii 2011-kii markaas oo hoggaamiyihii Al-Qaacidada Ciraaq (AQI) ee xilligaas Abuu Bakar Al-Baqdaadi uu u diray hoggaamiyaha ANF Muhammad al-Jawlaani si uu u abaabulo unugyo argaggixiso. Bishii Abriil 2013, al-Jawlaani waxa uu daacad u ahaa hoggaamiyaha AQ Ayman al-Zawahiri. ANF waxay ka go’day AQI waxayna noqotay urur madaxbannaan. Bishii Jannaayo 2017, ANF waxa ay ku biirtay dhawr kooxood oo kale oo mayal adag si ay u samaysteen Hay’aat Taxriir al-Sham (HTS). ANF waxay weli hoostimaadaa kooxda al-Qaacidada Suuriya.

Hadafka ANF ayaa lagu sheegay inuu yahay in meesha laga saaro maamulka Asad ee Suuriya, laguna badalo Dawlad Islaami ah oo Sunni ah. ANF waxay ku ururtay oo ay maamushaa qayb ka mid ah dhulalka waqooyi-galbeed ee Suuriya, halkaas oo ay ka tahay xoog mucaarid, waxayna ku leedahay heerar kala duwan oo saamayn ku leh maamulka maxalliga ah iyo shirqoollada dibadda. ANF waxay Suuriya oo dhan ka fulisay dhowr weeraro argaggixisanimo ah, kuwaas oo inta badan lala beegsaday dad rayid ah.

Taariikdu markay ahayd 15ka bisha Maajo, 2014, Wasaarada Arimaha Dibadda ee Mareykanka ayaa ANF u magacaabay inay yihiin Urur Argaggixiso Shisheeye sida ku xusan qodobka 219 ee Xeerka Laanta Socdaalka iyo Jinsiyadda, sida wax laga beddelay. Markeedii hore, Taariikhdu markay ahayd 14ka bisha Maajo, 2014, Waaxda Arrimaha Dibadda ee Maraykanka ayaa ANF waxay u magawday inay yihiin Argaggixiso Caalami oo Gaar ah markii loo hiigsaday Amarrada Dowliga ee 13224, sida la baddalay. Tan awgeed, dhammaan hantida, iyo danaha hanti, ee ANF, hoos timaadaa xukunka Mareykanka waa la xannibay, guud ahaan shaqsiyaadka Mareykankana waxaa laga mamnuucay inay wax fulin heshiis-ganacsi ah ay ANF la sameeyaan. Waa dembi in si oggaal ah loo bixiyo, ama la isku dayo ama la maleego in la bixiyo, ilo ama taageero maaddi ah loo gudbiyo ANF.

SUBMIT A TIP

Do Your Part. Secure a Safer World.

There are many ways to submit information to Rewards for Justice.

You may choose from multiple platforms and contact us in numerous languages. To process your information efficiently, we ask you to state your information as succinctly as possible, provide your name, location, and preferred language, and upload all relevant files such as photographs, videos, and documents to support your information. An RFJ representative will soon contact you. Please be patient, as RFJ reads every tip we receive.

Please open your Line app to submit a tip. The number is +1 202 702 7843

Please open your Viber app to submit a tip. The number is +1 202 702 7843

Please visit our Tor-based tips-reporting channel at: he5dybnt7sr6cm32xt77pazmtm65flqy6irivtflruqfc5ep7eiodiad.onion

Si Tilmaan aad u soo Gudbiso

Adiga kaalintaada ka qaado. Adduunyo Ammaan ah Xaqiiji.

Waxaa jira siyaabo dhowr ah oo aad tilmaan u soo gudbin karto.

Waxaad ka dooran kartaa meelo badan oo aad nagula soo xiriirto oo luqado aad noogu soo gudbin karto. Si xogtaada si hufan loo socodsiiyo, waxaan ku waydiisanaynaa inaad macluumaadkaaga aad u sheegto sida ugu kooban ee suurtogalka ah, u soo raaci magacaaga, goobtaada, iyo luqadda aad door bidayso, oo aad geliso dhammaan faylasha khuseeya sida sawiro, muuqaalo, iyo dukumeenti si xogtaada ay wax uga tarto. Wakiil RFJ ka socda ayaa dhawaan kula soo xiriiri doona. Fadlan samir yeesho, maadaama RFJ ay akhrinayso tilmaan kasta oo na la soo gaarsiiyo.

Fadlan fur abkaaga Line-ka si aad tilmaan noogu soo gudbiso. Lambarku waa +1 (202) 975-9160

Fadlan fur abkaaga Viber-ka si aad tilmaan noogu soo gudbiso. Lambarku waa +1 (202) 975-9160

Fadlan booqo kanaalka-warbixinta talooyinka-ku-saleysan Tor ee ah: he5dybnt7sr6cm32xt77pazmtm65flqy6irivtflruqfc5ep7eiodiad.onion

Skip to content