Websaytka rasmiga ah ee dawladda Mareykanka

Jaamaat Nusrat al-Islaam wal-Muslimiin (JNIM)

Afrika – Saxaraha ka Hooseeya

Adiga kaalintaada ka qaado.

Jamaacada Nusrat al-Islam wal-Muslimin (JNIM) ayaa isku tilmaamtay inay yihiin faraca rasmiga ah ee al-Qaacida ee dalka Maali. Sannadkii 2017, Laanta Saxaraha ee al-Qaacida ee Maghrib Islaami, al-Murabituun, Ansar al-Dine, iyo Jabhadda Xoraynta Massina ayaa isu yimid si ay u samaysteen JNIM. Iyagoo ka hawlgalaya dalalka Maali, Niger, iyo Burkina Faso, JNIM waxay mas’uul ka tahay weeraro iyo afduubyo badan. Bishii Juun 2017, JNIM waxay weerar ka geysatay goob loo tamashle tago oo reer Galbeedku ku badan yihiin oo ka baxsan Bamako oo uu mas’uul ka ahaa weerarradii balaarnaa ee la soo agaasimay ee Ouagadougou taariikhdu markay ahayd 2da bisha Maarso, 2018. Bishii Seteember, JNIM waxay miino ku qarxisay bas rakaab ah hoostiisa baskaas oo ku sugnaa bartamaha Maali, halkaas oo ay ku dhinteen 14 qof oo rayid ah 24 kalena ay ku dhaawacmeen.

Taariikdu markay ahayd 6da bisha Seteember, 2018, Wasaarada Arimaha Dibadda ee Mareykanka ayaa JNIM u magacaabay inay yihiin Urur Argaggixiso Shisheeye sida ku xusan qodobka 219 ee Xeerka Laanta Socdaalka iyo Jinsiyadda, sida wax laga beddelay. Markeedii hore, taariikhdu markay ahayd 5ta bishii Seteember, 2018, Waaxda Arrimaha Dibadda ee Maraykanka ayaa JNIM waxay u magawday inay yihiin Argaggixiso Caalami oo Gaar ah markii loo hiigsaday Amarrada Dowliga ee 13224, sida la baddalay. Tan awgeed, dhammaan hantida, iyo danaha hanti, ee JNIM, hoos timaadaa xukunka Mareykanka waa la xannibay, guud ahaan shaqsiyaadka Mareykankana waxaa laga mamnuucay inay wax fulin heshiis-ganacsi ah ay JNIM la sameeyaan. Waa dembi in si oggaal ah loo bixiyo, ama la isku dayo ama la maleego in la bixiyo, ilo ama taageero maaddi ah loo gudbiyo JNIM.

SUBMIT A TIP

Do Your Part. Secure a Safer World.

There are many ways to submit information to Rewards for Justice.

You may choose from multiple platforms and contact us in numerous languages. To process your information efficiently, we ask you to state your information as succinctly as possible, provide your name, location, and preferred language, and upload all relevant files such as photographs, videos, and documents to support your information. An RFJ representative will soon contact you. Please be patient, as RFJ reads every tip we receive.

Please open your Line app to submit a tip. The number is +1 202 702 7843

Please open your Viber app to submit a tip. The number is +1 202 702 7843

Please visit our Tor-based tips-reporting channel at: he5dybnt7sr6cm32xt77pazmtm65flqy6irivtflruqfc5ep7eiodiad.onion

Si Tilmaan aad u soo Gudbiso

Adiga kaalintaada ka qaado. Adduunyo Ammaan ah Xaqiiji.

Waxaa jira siyaabo dhowr ah oo aad tilmaan u soo gudbin karto.

Waxaad ka dooran kartaa meelo badan oo aad nagula soo xiriirto oo luqado aad noogu soo gudbin karto. Si xogtaada si hufan loo socodsiiyo, waxaan ku waydiisanaynaa inaad macluumaadkaaga aad u sheegto sida ugu kooban ee suurtogalka ah, u soo raaci magacaaga, goobtaada, iyo luqadda aad door bidayso, oo aad geliso dhammaan faylasha khuseeya sida sawiro, muuqaalo, iyo dukumeenti si xogtaada ay wax uga tarto. Wakiil RFJ ka socda ayaa dhawaan kula soo xiriiri doona. Fadlan samir yeesho, maadaama RFJ ay akhrinayso tilmaan kasta oo na la soo gaarsiiyo.

Fadlan fur abkaaga Line-ka si aad tilmaan noogu soo gudbiso. Lambarku waa +1 (202) 975-9160

Fadlan fur abkaaga Viber-ka si aad tilmaan noogu soo gudbiso. Lambarku waa +1 (202) 975-9160

Fadlan booqo kanaalka-warbixinta talooyinka-ku-saleysan Tor ee ah: he5dybnt7sr6cm32xt77pazmtm65flqy6irivtflruqfc5ep7eiodiad.onion

Skip to content