Kooxda ISIS ee ka dagaalanta Saxaraha Weyn (ISIS-GS) ayaa la aassasay sanadkii 2015-kii kadib markii ay ka go’een kooxda Al-Mourabituun ee ka go’day Al-Qaacida, waxayna ku dhaarteen inay ISIS ay daacad u yihiin. Kooxdan oo asal ahaan ka soo jeeda dalka Maali kana howlgala xadka Maali iyo Niger ayaa sidoo kale waxay ka howlgalaan Burkina Faso. ISIS-GS waxay sheegatay mas’uuliyada dhowr weerar, oo ay ku jiraan weerarkii dhacay 4ta Oktoobar, 2017 ee lala beegsaday isbaheysiga Mareykanka iyo Nijeeriyan ee deegaanka Tongo Tongo, Niger, kaas oo sababay dhimashada afar askari oo Mareykan ah iyo afar askari oo reer Nijeeriyan ah. Bishii Nofeembar 2019, ISIS-GS ayaa weerar ku qaaday saldhig milatari oo reer Maali ah halkaas oo ay ku dileen 54 askari.
Taariikdu markay ahayd 23ka bisha Maajo, 2018, Wasaarada Arimaha Dibadda ee Mareykanka ayaa ISIS-GS u magacaabay inay yihiin Urur Argaggixiso Shisheeye sida ku xusan qodobka 219 ee Xeerka Laanta Socdaalka iyo Jinsiyadda, sida wax laga beddelay. Markeedii hore, taariikhdu markay ahayd 16ka bisha Maajo, 2018, Waaxda Arrimaha Dibadda ee Maraykanka ayaa ANF waxay u magawday inay yihiin Argaggixiso Caalami oo Gaar ah markii loo hiigsaday Amarrada Dowliga ee 13224, sida la baddalay. Tan awgeed, dhammaan hantida, iyo danaha hanti, ee ISIS-GS, hoos timaadaa xukunka Mareykanka waa la xannibay, guud ahaan shaqsiyaadka Mareykankana waxaa laga mamnuucay inay wax fulin heshiis-ganacsi ah ay ISIS-GS la sameeyaan. Waa dembi in si oggaal ah loo bixiyo, ama la isku dayo ama la maleego in la bixiyo, ilo ama taageero maaddi ah loo gudbiyo ISIS-GS.