Barnaamijka Abaalmarinta Caddaaladda ayaa abaalmarin gaaraysa illa 10 milyan oo doolar siinaysa ciddii keenta xog horseeda carqaladaynta hababka maaliyadeed ee Xisbullah. Ibrahim Tahir, oo ah maalgeliyaha Xisbullah oo ka shaqeeya dalka Guinea. Taher ayaa loo aqoonsaday inuu ka mid yahay taageereyaasha dhaqaale ee ugu caansan Xisbullah ee dalka Guinea. Waxaa la rumeysan yahay inuu shaqaaleysiiyo dhowr qof oo xiriir la leh ururka Xisbullah ee dalka gudihiisa.
Tahir iyo saaxiibkiis ayaa lacag doollarka Maraykanka ah oo laga soo ururiyay mid ka mid ah goobahooda ganacsi u direen garoonka Conakry waxayna laaluusheen saraakiisha kastamka Guinea si ay lacagtoodu ugu soo gudubto shandad. Tahir waxa uu isticmaalay maqaamkiisa qunsul sharafeedka Lubnaan ee Côte d’Ivoire si uu uga fogaado in la baaro marka uu u safrayo ama ka baxayo Guinea.
Illa 2020kii, koox ganacsato ah oo Lubnaaniyiin ah oo degan Guinea, oo ay ka mid yihiin Tahir iyo maalgeliyaha Xisbullah Cali Sacadeh, ayaa ka safray Guinea oo aaday Lubnaan iyaga oo la socdo diyaarad khaas ah oo lacag badan wadata. Kooxdu waxay sheegtay in lacagtaas ay ahayd mid loogu talagalay COVID-19 ee Lubnaan, si laga fogaado in la baaro. Caawinta COVID-19 ayaa horey waxaa loogu isticmaali jiray dabool ahaan si lacagaha Xisbullah laga soo wareejiyo Guinea loona gudbiyo Lubnaan.
Taariikdu markay ahayd Maarso 4, 2022, waaxda Khasnadda Mareykanka ayaa Tahir u magacawday inuu yahay Argaggixiso Caalami oo si Gaar ah u magacaaban iyadoo la raacayo Amarka Fulinta ee 13224, sida wax laga beddelay, bixinta kaalmo agab ah, kafaala qaado, ama loo bixiyo taageero dhaqaale, qalab, ama farsamo, alaabo, ama adeegyo ama taageero Xisbullah. Magacaabistan iyo cawaaqibka kale, dhammaan hantida iyo danaha mumtalakat ee Tahir ee hoos imaanaya xukunka Mareykanka, waa mamnuuc, dadka Mareykankana waxaa si guud ahaan laga mamnuucay wax ganacsi ah inn ay la sameeyaan. Intaa waxaa dheer, waa dambi in taageero maadi ah ama agab la siiyo Xisbullah, oo ah urur argagixiso shisheeye ah oo uu Maraykanku magacaabay.