Hurras al-Din (HAD) waa koox xiriir la leh kooxda jihaad-doonta ee al-Qaacida oo ka soo ifbaxday wadanka Suuriya horaantii sanadkii 2018 kadib markii dhowr urur ay ka soo goosteen ama ay kala jajabeen ururka Hay’aat Taxriir al-Shaam (HTS).
Taariikhdu markay ahayad 10ka bisha Sebteember, 2019, Waaxda Arrimaha Dibadda ee Maraykanka ayaa HAD waxay u magacawday inay yihiin Argaggixiso Caalami oo Gaar ah markii loo hiigsaday Amarrada Dowliga ee 13224, sida la baddalay. Tan awgeed, dhammaan hantida, iyo danaha hanti, ee HAD, hoos timaadaa xukunka Mareykanka waa la xannibay, guud ahaan shaqsiyaadka Mareykankana waxaa laga mamnuucay inay wax fulin heshiis-ganacsi ah ay HAD la sameeyaan.