Barnaamijka Abaalmarinta Caddaaladda ayaa abaalmarin gaaraysa illa 10 milyan oo doolar siinaysa ciddii keenta xog horseeda carqaladaynta hababka maaliyadeed ee Xisbullah. Xasib Muxammad Hadwaan, oo sidoo kale loo yaqaan Xajij Sayn, wuxuu yahay sarkaal sare oo ka tirsan Xoghaynta Guud ee Xizballah. Wuxuu hoos yimaadaa Xassan Nasrallah, oo ah Xoghayaha Guud ee Xisbullah, wuxuuna mas’uul ka yahay ururinta dhaqaalaha ee deeq-bixiyeyaasha iyo ganacsatada ku sugan dibadda Lubnaan. Iyada oo qayb ka ah hawlahooda iyo waajibaadkooda ee Xisballah, Hadwan iyo maareeyaha xafiiskiisa, Cali al-Shacir waxay isticmaalaan nidaamka maaliyadeed ee caalamiga ah si ay lacagaha ugu wareejiyaan Lubnaan, iyagoo qarinaya hadafka dhabta ah ee ka dambeeya dhaqaale ururinta, taas oo ah in lagu maalgeliyo dhaqdhaqaaqa ururka argagixisada.
Taariikdu markay ahayd Sebtembar 17, 2021, waaxda Khasnadda Mareykanka ayaa Hadwaan u magacawday inuu yahay Argagixiso caalami ah si oo Gaar ah u magacaaban iyadoo la raacayo Amarka Fulinta ee 13224, sida wax laga beddelay. Magacaabistan iyo cawaaqibka kale, dhammaan hantida iyo danaha hantida ee Hadwaan ee hoos imaanaya xukunka Mareykanka, waa mamnuuc, dadka Mareykankana waxaa si guud ahaan laga mamnuucay wax ganacsi ah inn ay la sameeyaan. Intaa waxaa dheer, waa dambi in taageero maadi ah ama agab la siiyo Xisbullah, oo ah urur argagixiso shisheeye ah oo uu Maraykanku magacaabay.