Websaytka rasmiga ah ee dawladda Mareykanka

Fuad Maxamed Khalaf

Afrika – Saxaraha ka Hooseeya

Barnaamijka Abaalmarinta Caddaalaadda ayaa bixinaysa abaalmarin gaaraysa illaa $5 milyan ciddii keenta xog ku saabsan Fuad Mohamed Khalaf, oo sidoo kale loo yaqaan Fuad Shongale. Khalaf waa hoggaamiyaha al-Shabaab, wuxuuna u fududeeyay taageero dhaqaale ururkan uu Maraykanku u aqoonsaday inuu yahay Urur Argaggixiso Shisheeye ee FTO.

Bishii Abriil 2008, Khalaf iyo dhowr qof oo kale waxay hagayeen weerarro loo adeegsaday walxaha qarxa oo lagu qaaday saldhigyada Itoobiya iyo xubno ka tirsan Dowladda Dhexe ee ku Meel Gaarka ah ee Muqdisho, Soomaaliya. Bishii Maajo 2008, Khalaf iyo koox dagaalyahanno ah ayaa weerar ku qaaday oo ay qabsadeen saldhig booliis oo ku yaal magaalada Muqdisho, halkaas oo ay askar badan kaga dileen kuna dhaawacmeen. Isla bishaas, Khalaf waxa uu laba xafladood oo dhaqaale loogu ururinayey al-Shabaab ku qabtay masaajidyo ku yaalada magaalada Kismaayo, Soomaaliya.

Taariikhdu markay ahayd 13ka bisha Abriil, 2010, Waaxda Hanti-dhowrka Mareynaka ayaa Khalaf u magacawday Qaran si gaar ah loo asteeyay iyadoo la raacayo Amarka Fulinta 13536 ka qayb qaadashada rabshadaha iyo sii darida amniga Soomaaliya. U aqoonsigan, iyo cawaaqibyada kale darteed, dhammaan hantida, iyo danaha hanti, ee Khalaf hoos timaadaa xukunka Mareykanka waa la xannibay, guud ahaan shaqsiyaadka Mareykankana waxaa laga mamnuucay inay wax fulin heshiis-ganacsi ah ay Khalaf la sameeyaan. Taa waxaa raacsan, waa dembi in si oggaal ah loo bixiyo, ama la isku dayo ama la maleego in la bixiyo, taageero maaddi ah loo gudbiyo al-Shabaab, oo loo aqoonsaday sida urur FTO ah.

Sawirada:

Sawirdabi-derbi:

Goobaha ku Xiran:

Soomaaliya

Dhalashada:

Soomaaliya;Iswiidhan

Jinsi:

Lab

Midabka Timaha:

Madow

Midabka Indhaha:

Bunni

Middab isku-dhafan:

Dhexdhexaad

NaanaysMagacyada Kale Higaada:

Fu’aad Maxamed Khalaf Shongole;Fouad Shongale;Fu’aad Songale;Fu’aad Shangole;Fu’aad Shongole;Fu’aad Shongale;Fu’aad Khalaf;Fu’aad Maxamed Khaliif;Fu’aad Maxamed Qalaf;Fu’aad Maxamed Khalaf;Fu’aad Maxamed Qalaf;Fu’aad Maxamed Khaliif

SUBMIT A TIP

Do Your Part. Secure a Safer World.

There are many ways to submit information to Rewards for Justice.

You may choose from multiple platforms and contact us in numerous languages. To process your information efficiently, we ask you to state your information as succinctly as possible, provide your name, location, and preferred language, and upload all relevant files such as photographs, videos, and documents to support your information. An RFJ representative will soon contact you. Please be patient, as RFJ reads every tip we receive.

Please open your Line app to submit a tip. The number is +1 202 702 7843

Please open your Viber app to submit a tip. The number is +1 202 702 7843

Please visit our Tor-based tips-reporting channel at: he5dybnt7sr6cm32xt77pazmtm65flqy6irivtflruqfc5ep7eiodiad.onion

Si Tilmaan aad u soo Gudbiso

Adiga kaalintaada ka qaado. Adduunyo Ammaan ah Xaqiiji.

Waxaa jira siyaabo dhowr ah oo aad tilmaan u soo gudbin karto.

Waxaad ka dooran kartaa meelo badan oo aad nagula soo xiriirto oo luqado aad noogu soo gudbin karto. Si xogtaada si hufan loo socodsiiyo, waxaan ku waydiisanaynaa inaad macluumaadkaaga aad u sheegto sida ugu kooban ee suurtogalka ah, u soo raaci magacaaga, goobtaada, iyo luqadda aad door bidayso, oo aad geliso dhammaan faylasha khuseeya sida sawiro, muuqaalo, iyo dukumeenti si xogtaada ay wax uga tarto. Wakiil RFJ ka socda ayaa dhawaan kula soo xiriiri doona. Fadlan samir yeesho, maadaama RFJ ay akhrinayso tilmaan kasta oo na la soo gaarsiiyo.

Fadlan fur abkaaga Line-ka si aad tilmaan noogu soo gudbiso. Lambarku waa +1 (202) 975-9160

Fadlan fur abkaaga Viber-ka si aad tilmaan noogu soo gudbiso. Lambarku waa +1 (202) 975-9160

Fadlan booqo kanaalka-warbixinta talooyinka-ku-saleysan Tor ee ah: he5dybnt7sr6cm32xt77pazmtm65flqy6irivtflruqfc5ep7eiodiad.onion

Skip to content