Barnaamijka Abaalmarinta Caddaalaadda ayaa bixinaysa abaalmarin gaaraysa illaa $5 milyan ku bixinaysa ciddii keenta xog ku saabsan Faruq al-Suri, oo sidoo kale loo yaqaano Samir Hijazi ama Abu Hammam al-Shami. Al-Suri waa hogaamiyaha ururka argaggixisada ee Hurras al-Diin (HAD) iyo xubin ka tirsan al-Qaacida (AQ) ee ka howlgabay.
Al-Suri wuxuu ahaa tababbare sare oo ka tirsanaa ciidamada ka hortagga AQ hoggaanka sare ee Sayf al-Adl Afghanistan ee sanaddadii 1990-yadii, oo wuxuuna sidoo kale la tababbartay dagaalyahannada AQ ee Ciraaq laga soo bilaabo 2003 illaa 2005. Hadda ka hor Al-Suri waxaa lagu haystay dalka Lubnaan intii u dhaxeysay 2009 illaa 2013, oo ka dibna wuxuu noqday abbaanduulaha ciidanka ee Jabhadda Al-Nusrah Front (ANF). Wuxuu ka tagay ANF sannadka markuu ahaa 2016.
Taariikhdu markay ahayad 10ka bisha Seteember, 2019, Waaxda Arrimaha Dibadda ee Maraykanka ayaa al-Suri waxay u magawday inay yihiin Argaggixiso Caalami oo Gaar ah markii loo hiigsaday Amarrada Dowliga ee 13224, sida la baddalay. U aqoonsigan, iyo cawaaqibyada kale darteed, dhammaan hantida, iyo danaha hanti, ee al-Suri hoos timaadaa xukunka Mareykanka waa la xannibay, guud ahaan shaqsiyaadka Mareykankana waxaa laga mamnuucay inay wax fulin heshiis-ganacsi ah ay al-Mawla la sameeyaan.