Websaytka rasmiga ah ee dawladda Mareykanka

Dawladda Islaamiga ee Ciraaq iyo Suuriya (ISIS)

Adiga kaalintaada ka qaado.

Ku saabsan

Dawladda Islaamiga ah ee Ciraaq iyo Suuriya (ISIS) ayaa ka soo ifbaxay haraadiga Al-Qaacidada Ciraaq (AQI). Kooxdu waxay qaadatay magaca ISIS si ay u muujiso hamigeeda gobolka iyadoo ballaarinaysa hawlgallada ay ku jirto dagaalka Suuriya. ISIS waxaa hogaaminayay Abuu Bakar al-Baghdaadi, kaasoo ku dhawaaqay aassaaska Khilaafada Islaamka taariikhdu markay ahayd bishii Juun 2014-kii. Waxaa la dilay 27ka bishii Oktoobar, 2019 intii lagu jiray hawlgal ay ciidamada Maraykanku ku doonayeen inay isaga ku soo qabtaan. ISIS ayaa ka faa’ideysatay colaadda Suuriya iyo xiisadaha diimeed ee Ciraaq ka taagan, taasoo u sahashay inay gacanta ku dhigto dhulka labada dal. Sannadka 2019, Isbahaysiga Caalamiga ah si uu uga ISIS uga Adkaado — kuwaas oo ka kooban dhowr waddan oo saaxiibo ah iyo hay’ado caalami ah — ayaa xoreeyay dhammaan dhulka ay ISIS maamusho ee Suuriya iyo Ciraaq. Dadaallada ka dhanka ah ee kooxdan ayaa ka socda Ciraaq, Suuriya, iyo dalal kale.

Bishii Nofembar 2015, kooxda ISIS ayaa weerarro isku xigxigga ah ka fulisay magaalada Paris, halkaasoo ay ku dhinteen ku dhawaad 130 qof oo uu ku jiro qof Mareykan ah, ayna ku dhaawacmeen in ka badan 350 kale. Bishii Maarso 2016, ISIS waxay amartay laba weerar oo isku mar ah oo ka dhaay Brussels halkaas oo ay ku dhinteen 32 qof, oo ay ku jiraan afar muwaadiniin Mareykan ah, ayna ku dhaawacmeen in ka badan 250 qof. Bishii Juun 2016, nin hubaysan oo daacad u ah kooxda ISIS ayaa 49 qof ku dilay 53 kalena ku dhaawacay goob habeenkii lagu caweeyo ee Pulse ee magaalada Orlando, Florida. Bishii Luulyo 2016, Daacish ayaa sheegatay weerar uu nin argaggixisato ah oo watay gaari xamuul ah uu ku weeraray dad isugu soo baxay magaalada Nice ee dalka Faransiiska intii lagu guda jiray dabaaldega maalinta Bastille, kaasoo sababay dhimashada 86 qof oo ay ku jiraan saddex muwaadin oo Mareykan ah. Bishii Janaayo 2019, ISIS ayaa sheegatay mas’uuliyadda weerarkii ismiidaaminta ahaa ee lagu qaaday maqaayad ku taal Manbij, ee dalka Suuriya, weerarkaas oo ay ku dhinteen 19 qof, oo ay ku jiraan afar Mareykan ah. Maalinta Easter Sunday–ga ee 2019 ee Sri Lanka, in ka badan 250 qof ayaa lagu dilay, oo ay ku jiraan shan muwaadiniin Mareykan ah, markii argaggixisada ay dhiiri galisay ISIS ay qaraxyo ismiidaamin ah ka fuliyeen kaniisado iyo hoteello badan.

Taariikdu markay ahayd 17ka bisha Diseembar, 2004, Wasaarada Arimaha Dibadda ee Mareykanka ayaa AQO (oo hadda loo yaqaano ISIS) u magacaabay inay yihiin Urur Argaggixiso Shisheeye sida ku xusan qodobka 219 ee Xeerka Laanta Socdaalka iyo Jinsiyadda, sida wax laga beddelay. Markeedii hore, Taariikhdu markay ahayd 15ka bish Okotoobar, 2004, Waaxda Arrimaha Dibadda ee Maraykanka ayaa AQl waxay u magawday inay yihiin Argaggixiso Caalami oo si Gaar ah u Magacaaban markii loo hiigsaday Amarrada Dowliga ee 13224, sida la baddalay. Tan awgeed, dhammaan hantida, iyo danaha hanti, ee ISIS, hoos timaadaa xukunka Mareykanka waa la xannibay, guud ahaan shaqsiyaadka Mareykankana waxaa laga mamnuucay inay wax fulin heshiis-ganacsi ah ay ISIS la sameeyaan. Waa dembi in si oggaal ah loo bixiyo, ama la isku dayo ama la maleego in la bixiyo, ilo ama taageero maaddi ah loo gudbiyo ISIS.

SUBMIT A TIP

Do Your Part. Secure a Safer World.

There are many ways to submit information to Rewards for Justice.

You may choose from multiple platforms and contact us in numerous languages. To process your information efficiently, we ask you to state your information as succinctly as possible, provide your name, location, and preferred language, and upload all relevant files such as photographs, videos, and documents to support your information. An RFJ representative will soon contact you. Please be patient, as RFJ reads every tip we receive.

Si Tilmaan aad u soo Gudbiso

Adiga kaalintaada ka qaado. Adduunyo Ammaan ah Xaqiiji.

Waxaa jira siyaabo dhowr ah oo aad tilmaan u soo gudbin karto.

Waxaad ka dooran kartaa meelo badan oo aad nagula soo xiriirto oo luqado aad noogu soo gudbin karto. Si xogtaada si hufan loo socodsiiyo, waxaan ku waydiisanaynaa inaad macluumaadkaaga aad u sheegto sida ugu kooban ee suurtogalka ah, u soo raaci magacaaga, goobtaada, iyo luqadda aad door bidayso, oo aad geliso dhammaan faylasha khuseeya sida sawiro, muuqaalo, iyo dukumeenti si xogtaada ay wax uga tarto. Wakiil RFJ ka socda ayaa dhawaan kula soo xiriiri doona. Fadlan samir yeesho, maadaama RFJ ay akhrinayso tilmaan kasta oo na la soo gaarsiiyo.

Skip to content