Ciidanka Ilaalada Kacaanka Islaamiga ah ee Corps-Qods Force (IRGC-QF), oo ah laan ka tirsan IRGC, waa qaabka koowaad ee Iiraan ee lagu beero laguna taageero kooxaha argaggixisada ah dibadda. Iiraan waxay isticmaashaa IRGC-QF si ay u fuliso hadafkeeda siyaasadeed ee arimaha dibadda, waxay gabaad ay siisaa hawlaha sirdoonka, iyo abuurista xasilooni daro ee Bariga Dhexe. Sanadkii 2011, IRGC-QF waxay maleegtay shirqool lagu dilay safiirkii Sucuudiga u fadhiyay Mareykanka ee Washington DC 2012-kii, saraakiil ka tirsan IRGC-QF ayaa lagu xiray Turkiga iyo Kenya oo ay maleegayeen weeraro. Bishii Janaayo 2018, Jarmalka ayaa kashifay 10 ka tirsan kooxda IRGC oo ku lug lahaa shirqool argaggixisanimo ee dalka Jarmalka.
Taariikdu markay ahayd 15ka bishii Abriil, 2019, Wasaarada Arimaha Dibadda ee Mareykanka ayaa u magacawday IRGC, oo ay ku jiraan Xooggaga IRGC-QF inay yihiin Urur Argagixiso Shisheeye sida ku xusan qodobka 219 ee Xeerka Laanta Socdaalka iyo Jinsiyadda, sida la baddalay. Sanadkii 2017, Waaxda Hanti-dhowrka Mareynaka waxay IRGC u magacaawdayinuu yahay Argagaxiso Caalami oo Gaar ah markii loo hiigsaday Amarrada Dowliga ee 13224, sida la baddallay, dhaqdhaqa taageeradooda ay u hayaan ururka IRGC-QF. Tan awgeed, dhammaan hantida, iyo danaha hanti, ee IRGC, hoos timaadaa xukunka Mareykanka waa la xannibay, guud ahaan shaqsiyaadka Mareykankana waxaa laga mamnuucay inay wax fulin heshiis-ganacsi ah ay IRGC la sameeyaan. Waa dembi in si oggaal ah loo bixiyo, ama la isku dayo ama la maleego in la bixiyo, ilo ama taageero maaddi ah loo gudbiyo IRGC.