Barnaamijka Abaalmarinta Caddaalaadda ayaa bixinaysa abaalmarin gaaraysa illaa $10 milyan qofkii keena xog horseedaysa in carqaladeyn lagu sameeyo qaabka dhaqaale ee ururka Xizballah. Cali Youssef Charara, oo sidoo kale loo yaqaan Cali Youssef Sharara iyo Cali Yusuf Sharara, waa maalgeliyaha muhiimka ah ee ururka Xizballah iyo Guddoomiyaha iyo Maareeyaha Guud ee shirkadda isgaarsiinta ee fadhigeedu yahay Lubnaan, Spectrum Investment Group Holding SAL, oo ah hay’ad ay cunaqabatayn saartay Waaxda Maaliyadda ee Mareykanka. Charara ayaa malaayiin dollar ka helay ururka Xisbullah si ay ugu maalgeliso mashaariic ganacsi oo dhaqaale oo lagu taageerayo kooxda argaggixisada ah.
Marka laga soo tago fududaynta Charara ee maal-gashi ganacsi isaga oo ka wakiil ah Xizballah, Charara waxa uu sidoo kale ka soo shaqeeyay ganacsiyada shidaalka Ciraaq. Waxaa intaa dheer, Charara waxay dano ganacsi oo ballaaran ku leedahay warshadaha isgaarsiinta ee Galbeedka Afrika.
Taariikhdu markay ahayad 7da bisha Janaayo, 2016, Waaxda Hanti-dhowrka Mareynaka ayaa Charara waxay u magawday inay yihiin Argaggixiso Caalami oo Gaar ah markii loo hiigsaday Amarrada Dowliga ee 13224, sida la baddalay. U aqoonsigan, iyo cawaaqibyada kale darteed, dhammaan hantida, iyo danaha hanti, ee Charara hoos timaadaa xukunka Mareykanka waa la xannibay, guud ahaan shaqsiyaadka Mareykankana waxaa laga mamnuucay inay wax fulin heshiis-ganacsi ah ay Ali la sameeyaan. Taa waxaa raacsan, waa dembi in si oggaal ah loo bixiyo, ama la isku dayo ama la maleego in la bixiyo, ilo ama taageero maaddi ah loo gudbiyo Xisbullah, ayaa Mareynka u magawday inay tahay Urur Argaggixiso Shisheeye.