Barnaamijka Abaalmarinta Cadaalaadda ayaa ku yaboohaysa abaalmarin gaaraysa illa $5 milyan ciddi keenta macluumaad ku saabsan Cabdullahi Cusmaan Maxamed.
Maxamed, oo sidoo kale loo yaqaano Injineer Ismaaciil, waa khabiirka sare ee dhanka sameynta walxaha qarxa u qaabilsan kooxda argagixisada ah ee al-Shabaab. Waxa uu mas’uul guud ka yahay isku dubarida howlaha qaraxyada ee al-Shabaab. Waxaa uu sidoo kale la taliye u yahay amiirka al-Shabaab, islamrkana waa hogaamiyaha waaxda warbaahinta u qabailsan al-Shabaab ee loo yaqaanno, al-Kataib.
17kii bishi Noofambar 2020, Wasaaradda Arrimaha Dibadda ee Mareykanka waxay u magacawday Maxamed inuu yahay Argaggixiso Caalami oo Gaar ah markii loo hiigsaday Amarrada Dowliga ee 13224 qaybta 1(a)(ii)(B).