Barnaamijka Abaalmarinta Caddaalaadda ayaa bixinaysa abaalmarin gaaraysa illaa $3 milyan ciddii keenta xog ku saabsan Cabdikadir Maxamed Cabdikadir. Cabdikadir waa hogaamiye sare oo Al-Shabaab ka tirsan, waxaana uu soo noqday madaxa howlgallada iyo saadka. Cabdiqaadir waxa uu sidoo kale agaasimay qorshe hore oo weerar oo al-Shabaab. Wuxuu isku duba ridey qorista dhalinyarada Kenyaanka ah inay Al-Shabaab ku soo biiraan oo wuxuuna abbaanduule u ahaa ciidamada Al-Shabaabka Kenyaanka ee ka dagaalama Soomaaliya.
Taariikhdu markay ahayad 6da bisha Agoosto, 2021, Waaxda Arrimaha Dibadda ee Maraykanka ayaa Cabdikadir waxay u magawday inay yihiin Argaggixiso Caalami oo Gaar ah markii loo hiigsaday Amarrada Dowliga ee 13224, sida la baddalay. U aqoonsigan, iyo cawaaqibyada kale darteed, dhammaan hantida, iyo danaha hanti, ee Cabdikadir hoos timaadaa xukunka Mareykanka waa la xannibay, guud ahaan shaqsiyaadka Mareykankana waxaa laga mamnuucay inay wax fulin heshiis-ganacsi ah ay Abdikadir la sameeyaan, Taas waxaa dheer, waa dembi in si oggaal ah al-Shabaab loogu fidiyo, ama la isku dayo ama loola shaqeeyo in loo fidiyo, taageero walax ama khayraad, Urur Argaggixiso Shisheeye ee Mareykanka u aqoonsaday.