Barnaamijka Abaalmarinta Caddaalaadda ayaa bixinaysa abaalmarin gaaraysa illaa $5 milyan ciddii keenta xog ku saabsan Cabdelbasit Alxaaj Alhassan Xaj Xamad. Abdelbasit ayaa loo raadinayaa doorkiisii uu ku la’haa mid ka mid ah raggii hubaysnaa ee 1dii Jannaayo 2008-dii ku dilay John Granville iyo Abdelrahman Abbas Rahama oo ahaa shaqaale u shaqaynayay Hay’adda Horumarinta Caalamiga ah ee Maraykanka (U.S. Agency for International Development) (USAID).
Maxkamad Suudaan ku taala ayaa la soo hortaagay, dembi ku heshay, oo waxayna Abdelbasit ku xukuntay dil sanadka markuu ahaa 2009-kii kaalinta isaga uu ku lahaa dilalka. Si kastaba ha noqotee, Abdelbasit ayaa xabsiga ka baxsaday 10ka bisha Juun, 2010, ka hor inta xukunkiisa aan la fulin. illaa iyo hadda baadi-goobkiisa ayaa lagu jira oo waxaa la rumeysan yahay inuu Soomaaliya ku sugan yahay.
Taariikhdu markay ahayad 8da bisha Janaayo, 2013, Waaxda Arrimaha Dibadda ee Maraykanka ayaa Cabdelbasit waxay u magawday inuu yahay Argaggixiso Caalami oo Gaar ah markii loo hiigsaday Amarrada Dowliga ee 13224, sida la baddalay. U aqoonsigan, iyo cawaaqibyada kale darteed, dhammaan hantida, iyo danaha hanti, ee Abdelbasit hoos timaadaa xukunka Mareykanka waa la xannibay, guud ahaan shaqsiyaadka Mareykankana waxaa laga mamnuucay inay wax fulin heshiis-ganacsi ah ay Abdelbasit la sameeyaan.