Websaytka rasmiga ah ee dawladda Mareykanka

Weerar ka dhacay garoonka Caalamiga ah ee Kabul

Abaal-marin

Ilaa 10 milyan oo doollar

Adiga kaalintaada ka qaado.

Barnaamijka Abaalmarinta Caddaalaadda ayaa abaalmarin gaaraysa illa $10 milyan siinaya ciddii keenta xog ku saabsan kuwii mas’uulka ka ahaa weerarkii ka dhacay garoonka caalamiga ah ee Kabul, Afgaanistaan, Ogosto 26, 2021. Qof ismiidaamiyay ayaa weerar ku qaaday garoonka, iyadoo Mareykanka iyo dowlado kale ay wadeen dadaal ballaaran oo ay ku daad gureynayaan muwaadiniintooda iyo dadka nugul ee Afgaanistaan. Ugu yaraan 185 qof ayaa lagu dilay weerarka, oo ay ku jiraan 13 askari oo Mareykan ah oo taageerayay daad gureynta. In ka badan 150 qof ayaa ku dhaawacantay oo ay ku jiraan 18 askari oo Maraykan ah. Ururka Daacish ee Khorasan, oo ah urur argagixiso shisheeye ah oo Mareykanku uu aqoonsaday, ayaa sheegtay mas’uuliyadda weerarka.

Sawirada:

Sawirdabi-derbi:

Goobaha ku Xiran:

Afgaanistan

SUBMIT A TIP

Do Your Part. Secure a Safer World.

There are many ways to submit information to Rewards for Justice.

You may choose from multiple platforms and contact us in numerous languages. To process your information efficiently, we ask you to state your information as succinctly as possible, provide your name, location, and preferred language, and upload all relevant files such as photographs, videos, and documents to support your information. An RFJ representative will soon contact you. Please be patient, as RFJ reads every tip we receive.

Please visit our Tor-based tips-reporting channel at: he5dybnt7sr6cm32xt77pazmtm65flqy6irivtflruqfc5ep7eiodiad.onion

Si Tilmaan aad u soo Gudbiso

Adiga kaalintaada ka qaado. Adduunyo Ammaan ah Xaqiiji.

Waxaa jira siyaabo dhowr ah oo aad tilmaan u soo gudbin karto.

Waxaad ka dooran kartaa meelo badan oo aad nagula soo xiriirto oo luqado aad noogu soo gudbin karto. Si xogtaada si hufan loo socodsiiyo, waxaan ku waydiisanaynaa inaad macluumaadkaaga aad u sheegto sida ugu kooban ee suurtogalka ah, u soo raaci magacaaga, goobtaada, iyo luqadda aad door bidayso, oo aad geliso dhammaan faylasha khuseeya sida sawiro, muuqaalo, iyo dukumeenti si xogtaada ay wax uga tarto. Wakiil RFJ ka socda ayaa dhawaan kula soo xiriiri doona. Fadlan samir yeesho, maadaama RFJ ay akhrinayso tilmaan kasta oo na la soo gaarsiiyo.

Fadlan booqo kanaalka-warbixinta talooyinka-ku-saleysan Tor ee ah: he5dybnt7sr6cm32xt77pazmtm65flqy6irivtflruqfc5ep7eiodiad.onion

Skip to content