Ururka Al-Qaacida (AQ) waxaa soo abaabulay Usama bin Ladin sannadkii 1988-kii isaga iyo Carabtii Afgaanistaan kula dagaalamaysay xoogaggii Millateriga ahaa ee qabsaday Midowgii Soofiyeeti ee hadda burburay. AQ waxay ku dadaalayaan inay ka takhalusaan saamaynta reer Galbeedka ee ay ku hayaan dalalka Muslimka, inay ridaan dawladaha “riddada”ee wadamada Muslimka ah, iyo in la dhiso khilaafaad Islaami ah oo ay maamusho tafsiirkeeda shareecada ee ugu dambeyntii udub dhexaad u noqon doonta nidaam cusub oo caalami ah. Hadafyadan ayaa ah kuwo aan waxba iska bedelin tan iyo 1996kii kooxdu ku dhawaaqday dagaal ka dhan ah dowladda Maraykanka. AQ waxaa waayeen daraasiin ka tirsan hawlwadeenada heerka dhexe iyo hawlwadeenno sare ee la dagaalamayay dadaalada iyaga lagula dagaalamayay, laakiin waxay sii wadaan inay sii qortaan, qorsheeyaan, booriyaan iyo fuliyaan weerarada. AQ waxay xiriir la leedahay ururo ka jira Bariga Dhexe, Afrika, iyo Aasiya xooggeeda casriga ah waxay ugu horrayn ka jirtaa kuwan ay xiriirka la leedahay.
AQ waxay mas’uul ka yihiin weerarro badan oo baaxad leh, khasaare-wadareed. AQ waxay fuliyeen saddex qarax oo ay ku qaadeen ciidamada Mareykanka ee Cadan ee Cadan, Yaman sannadkii 1992-kii, oo waxayna sheegteen mas’uuliyadda soo dejinta helikobtarada Mareykanka iyo dilka askar Maraykan ah 1993-kii ee Soomaaliya dhexdeeda. Sidoo kale AQ waxay weerar qarxis qaadeen bishii Agoosto 1998-kii qaraxyadii Safaaradaha Mareykanka ee Nairobi iyo Dar es Salaam, halkaas oo ay ku dhinteen ilaa 224 dad waxaana ku dhaawacmay in ka badan 5,000 qof. Bishii Oktoobar 2000, AQ waxay weerar ismiidaamin ah ay ku qaadeene USS Cole oo ku sugnaa dekedda Cadan oo la socday doon la qarxiyey, oo halkaas oo ay ku geeriyoodeen 17 qof oo ah ciidamada Bada ee Mareykanka oo ayna oo ayna in ka badan 30 kalena ku dhaawacmeen. Taariikhdu markay ahayd 11ka bisha Seteember, 2001, 19 xubnood oo AQ ah ayaa afduubtay kuna burbureen afar diyaaradood oo Mareykan ah –laba ka mid ah Xarunta Ganacsiga Adduunka ee New York City, mid ka mid ah Pentagon, iyo kan ugu dambeeyay ahaa beeraha Shanksville, Pennsylvania. Weeraradii 9/11 ayaa waxaa ku dhintay ku dhawaad 3,000 oo dad.
Taariikdu markay ahayd 8da bisha Oktoobar, 1999, Wasaarada Arimaha Dibadda ee Mareykanka ayaa IRGC u magacaabay inay yihiin Urur Argaggixiso Shisheeye sida ku xusan qodobka 219 ee Xeerka Laanta Socdaalka iyo Jinsiyadda, sida wax laga beddelay. Taariikhdu markay ahayd 23ka bisha Seteember, 2001, AQ waxaa lagu taxay Lifaaqa Amarka Fulinta 13224. U aqoonsigan, iyo cawaaqibyada kale darteed, dhammaan hantida, iyo danaha hanti, ee AQ hoos timaadaa xukunka Mareykanka waa la xannibay, guud ahaan shaqsiyaadka Mareykankana waxaa laga mamnuucay inay wax fulin heshiis-ganacsi ah ay AQ la sameeyaan. Taa waxaa raacsan, waa dembi in si oggaal ah loo bixiyo, ama la isku dayo ama la maleego in la bixiyo, ilo ama taageero maaddi ah loo gudbiyo AQ.