Abuukar Cali Aadan waa ku xigeenka hogaamiyaha kooxda argagixisada al-Shabaab. Wuxuu dhowr sano ahaa taliyaha maleeyshiyada al-Shabaab. Wuxuu sidoo kale horay u soo hoggaamiyey garabka hubaysan ee loo yaqaan Jabhadda ee al-Shabaab.
Bishiii Janaayo ee 2018-kii, Wasaarada Arimaha Dibadda ee Maraykanka ayaa u aqoonsatay Abuukar Cali Aadan shaqsi si gaar ah loogu asteeyay inuu yahay argagixiso caalami ah, iyadoo la tix raacayo amarka fulinta ee nambarkeedu yahay E.O 13224, kaas oo ku soo rogaya cuna qabateeyn adag dadka ajaaniibta ah ee geeysta ama halista ku ah in ay ku kacaan ficilo argagixisnimo taas oo halis ku ah amniga muwaadiniinta Maraykanaka, aminiga qaranka, arimaha siyaasada dibadda, ama dhaqaalaha wadanka Maraykanka. Sidoo kale waxaa uu ku jiraa liiska cunaqabataynta Qaramada Midoobay ee nambarkiisu yahay 1844 (2008) inuu ku lug leeyahay ama siiyo taakulo lidi ku ah nabada, amniga ama daganaanshaha Soomaaliya iyo Ciidamada Nabad Ilaalinta. Intaas waxaa dheer, Aadan waxaa uu xariir la leeyahay ururada al-Qaacida ee ka hawlgala Jasiiradda Carabta iyo Maqribul Islaami.