Websaytka rasmiga ah ee dawladda Mareykanka

Abuu Cubeyda Yuusuf al-Canabi

Afrika – Saxaraha ka Hooseeya | Bariga dhow - Waqooyiga Afrika iyo Bariga Dhexe

Abaal-marin

Ilaa 7 milyan oo doollar

Adiga kaalintaada ka qaado.

Barnaamijka Abaalmarinta Caddaalaadda ayaa bixinaysa abaalmarin gaaraysa illaa 7 milyan oo dollar ku bixinaysa ciddii keenta xog ku saabsan Abu Cubaydah Yusuf al-Anabi, oo sidoo kale loo yaqaan Abu Cubeyda Youssef al-Annabi iyo Yazid Mubarak. Al-Anabi waa hogaamiyaha ururka argaggixisada ah ee al-Qaacidada Maqrib Islam (AQIM). AQIM ayaa ku dhawaaqday in al-Anabi uu yahay hogaamiyaha cusub ee kooxda bishii Nofeembar 2020. Al-Anabi wuxuu ballan qaaday in daacad uu u yahay hoggaamiyaha al-Qaacida oo ah Ayman al-Zawahiri isaga oo ku hadlaya magaca AQIM waxaana la filayaa in uu door ku yeesho maamulka caalamiga ah ee AQ.

Al-Anabi, oo ah muwaadin u dhashay dalka Aljeeriya, waxa uu hore u ahaa hoggaamiyaha golaha caanka ah ee AQIM, wuxuuna ka soo shaqeeyay Golaha Shuurada ee AQIM. Al-Anabi wuxuu hore u ahaa madaxa warbaahinta ee ururka AQIM.

Taariikhdu markay ahayad 9ka bisha Seteember, 2015, Waaxda Arrimaha Dibadda ee Maraykanka ayaa al-Anabi waxay u magawday inay yihiin Argaggixiso Caalami oo Gaar ah markii loo hiigsaday Amarrada Dowliga ee 13224, sida la baddalay. U aqoonsigan darteed, iyo cawaaqibyada kale darteed, dhammaan hantida, iyo danaha hanti, ee al-Anabi hoos timaadaa xukunka Mareykanka waa la xannibay, guud ahaan shaqsiyaadka Mareykankana waxaa laga mamnuucay inay wax fulin heshiis-ganacsi ah ay al-Anabi la sameeyaan. Taa waxaa raacsan, waa dembi in si oggaal ah loo bixiyo, ama la isku dayo ama la maleego in la bixiyo, ilo ama taageero maaddi ah loo gudbiyo AQIM, ayaa Mareynka u magawday inay tahay Urur Argaggixiso Shisheeye. Al-Anabi ayaa waxaa taariikhdu markay ahayd 29kii bisha Fibraayo 2016 lagu daray liiska Qaraarka Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay Qaraar tirsigiisu yahay 1267 (UNSCR 1267) ee cunaqabateynta, taas oo ka dhigaysa in la xayiro hantida caalamiga ah, xayiraad dhanka socdaalka ah iyo in lagu soo rogo cunaqabateyn dhanka hubka ah.

Sawirada:

Sawirdabi-derbi:

Goobaha ku Xiran:

Aljeeriya, Maali

Tariikhda Dhalashada:

1 Janaayo, 1969;7 Febraayo, 1969

Goobta Dhalashada:

Annaba, Aljeeriya

Muwadinnimo:

Aljeeriya

Jinsi:

Lab

NaanaysMagacyada Kale Higaada:

Yuusuf Abuu-Cubeydah Al-Canabi;Abuu Cubeyda Yuusuf Al-Annabi;Abuu-Cubeyda Yuusuf Al-Inabi;Mebrak Yazid;Youcef Abuu Cubeyda;Mibrak Yazid;Yuusuf Abuu Cubeyda Yaziid;Yazid Mebrak;Yazid Mabrak;Yuusuf Abuu Cubeyda;Ku saabsan Youcef;Yaziid Mubaarak;Abuu Cubeydah;Yuusuf Abuu Yuusuf

SUBMIT A TIP

Do Your Part. Secure a Safer World.

There are many ways to submit information to Rewards for Justice.

You may choose from multiple platforms and contact us in numerous languages. To process your information efficiently, we ask you to state your information as succinctly as possible, provide your name, location, and preferred language, and upload all relevant files such as photographs, videos, and documents to support your information. An RFJ representative will soon contact you. Please be patient, as RFJ reads every tip we receive.

Please visit our Tor-based tips-reporting channel at: he5dybnt7sr6cm32xt77pazmtm65flqy6irivtflruqfc5ep7eiodiad.onion

Si Tilmaan aad u soo Gudbiso

Adiga kaalintaada ka qaado. Adduunyo Ammaan ah Xaqiiji.

Waxaa jira siyaabo dhowr ah oo aad tilmaan u soo gudbin karto.

Waxaad ka dooran kartaa meelo badan oo aad nagula soo xiriirto oo luqado aad noogu soo gudbin karto. Si xogtaada si hufan loo socodsiiyo, waxaan ku waydiisanaynaa inaad macluumaadkaaga aad u sheegto sida ugu kooban ee suurtogalka ah, u soo raaci magacaaga, goobtaada, iyo luqadda aad door bidayso, oo aad geliso dhammaan faylasha khuseeya sida sawiro, muuqaalo, iyo dukumeenti si xogtaada ay wax uga tarto. Wakiil RFJ ka socda ayaa dhawaan kula soo xiriiri doona. Fadlan samir yeesho, maadaama RFJ ay akhrinayso tilmaan kasta oo na la soo gaarsiiyo.

Fadlan booqo kanaalka-warbixinta talooyinka-ku-saleysan Tor ee ah: he5dybnt7sr6cm32xt77pazmtm65flqy6irivtflruqfc5ep7eiodiad.onion

Skip to content